• S1 E6: Isbaheysiga Haybad Qaran iyo Xaqsoor | Cabdiraxmaan Ceynte | Miizaan Podcast
    May 1 2026
    Xalqada Miizaan Podcast, waxaa lagu falanqeynayaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan doorka Isbaheysiga Haybad Qaran iyo Xaqsoor, aragtida mucaaradka, doodda ku saabsan doorashada Qof iyo Cod, iyo su’aalaha ka taagan mustaqbalka doorashooyinka madaxtinimo ee Soomaaliya. Martida barnaamijka waa Cabdiraxmaan Ceynte, Guddoomiyaha Isbaheysiga Xaqsoor & Haybad Qaran, oo si faahfaahsan uga hadlaaya✔️ Sababaha gaarka ah ee Xaqsoor uga baxday hannaanka Qof iyo Cod✔️ Sida isbaheysiga Haybad Qaran iyo Xaqsoor u dhashay ✔️ Waxa run ahaantii ka dhacay kulanka Turkiga ee mucaaradka Soomaaliya✔️ Cadaadiska siyaasadeed ee mucaaradku saarayo Villa Somalia iyo HSM✔️ Khariidadda cusub ee doorashooyinka madaxtinimo ee Soomaaliya 2026✔️ Doodda Qof iyo Cod vs hannaanka qabiilka ee siyaasadda SoomaaliyaBarnaamijku wuxuu sidoo kale taabanayaa ✔️ kulanka Turkiga iyo mucaaradka, ✔️ iswaafajinta hannaanka doorashada ✔️ iyo qabiilka, iyo waxa iska beddeli kara doorashooyinka madaxtinimo ee Soomaaliya. Daawo Miizaan Podcast si aad u hesho falanqeyn qoto dheer, su’aalo adag iyo dood siyaasadeed oo dheellitiran. ━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━⏱️ MAWDUUCYADA & WAQTIYADA00:00 ▸ Hordhac & soo bandhigida martida03:45 ▸ Sababta Xaqsoor uga baxday Qof iyo Cod11:20 ▸ Sidee u dhashay isbaheysiga Haybad Qaran iyo Xaqsoor?19:50 ▸ Cadaadiska mucaaradku saarayo Dowladda Federaalka (HSM)28:15 ▸ Shirarka siyaasadeed ee Muqdisho35:40 ▸ Kulanka Turkiga iyo mucaaradka Soomaaliya43:10 ▸ Qof iyo Cod vs Qabiil — dood furan50:25 ▸ Mustaqbalka doorashooyinka madaxtinimo Soomaaliya 202656:30 ▸ Fariin Cabdiraxmaan Ceynte u dirayo dadweynaha Soomaaliyeed━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━🔔 HA SEEGIN XALQADAHA SOO SOCDARiix SUBSCRIBE oo daar ogeysiiska (🔔) si aad ugu horrayso markaansoo bandhigno martida xigta — siyaasiyiin, falanqeeyayaal, iyo siyaasadda Soomaaliya.📍 Subscribe: / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━📲 NALA SOO XIRIIR🌐 Website: https://dawan.so/📘 Facebook: /DawanTV🐦 X/Twitter: @DawanTV📸 Instagram: @DawanTV🎵 TikTok: @DawanTV━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━Siyaasadda Soomaaliya, doorashooyinka Soomaaliya, mucaaradka Soomaaliya,Cabdiraxmaan Ceynte, Xaqsoor, Haybad Qaran, Dowladda Federaalka Soomaaliya,HSM, Hassan Sheikh Mohamud, Qof iyo Cod, Muqdisho siyaasadda, falanqeynsiyaasadeed, doorashooyinka madaxtinimo 2026, kulanka Turkiga, isbaheysigamucaaradka, Somali politics analysis, Miizaan Podcast, Dawan TV.#Soomaaliya #SomaliPolitics #Muqdisho #Xaqsoor #HaybadQaran#CabdiraxmaanCeynte #MiizaanPodcast #DawanTV #MucaaradkaSoomaaliya#HSM #QofIyoCod #DoorashoSoomaaliya #SiyaasaddaSoomaaliya#DoorashooyinkaSoomaaliya #SomaliNews© Dawan TV — Dhammaan xuquuqdu way xafidan tahay.
    Show More Show Less
    59 mins
  • S1 E5: 5 mise 4? Immisa sano ayaa ardayga u fiican inuu jaamacad dhigto?
    Apr 22 2026
    Xalqadaan Miizaan Podcast waxaan ku lafaguraynaa mustaqbalka iyo xaaladda waxbarashada Soomaaliya. Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa bixiyey wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlay manhajka, miisaaniyadda iyo caqabadaha hortaagan bahda waxbarashada.Qodobada ugu waaweyn ee wareysiga:Tayada Manhajka: Sidee loogu guulaystay diyaarinta manhaj mideysan oo dalka oo dhan ka shaqeeya?Dooda Afka: Ma tahay suurtagal in Af-Soomaaliga uu noqdo luqadda rasmiga ah ee wax lagu barto?Miisaaniyadda: Halkee ku baxdaa lacagta loogu talagalay horumarinta waxbarashada Soomaaliya?Caqabadaha Jira: Maxay yihiin dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta ardayda iyo dugsiyada dalka?Haddii aad rabto inaad ogaato xaqiiqada dhabta ah ee nidaamka waxbarashada dalka iyo qorshaha wasaaradda ee sanadaha soo socda, ha moogaan qaybtan muhiimka ah!📌 Mawduucyada Muhiimka ah ee lagu gorfeynayo:Isbeddellada cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.Kaalinta Af-Soomaaliga ee tacliinta sare iyo cilmi-baarista.Sidee loo maareeyaa miisaaniyadda iyo deeqaha waxbarasho?Mustaqbalka Guddiga Tacliinta Sare ee dalka.Description (English)In this exclusive first episode of Miizaan Podcast, we sit down with the Minister of Education, Culture, and Higher Education of Somalia, Hon. Farah Sheikh Abdulkadir. The Minister provides an in-depth look into the current state of education, the implementation of the national curriculum, and the strategic vision for the sector.Key Highlights Include:National Curriculum: The journey towards achieving a unified educational system across Somalia.Language of Instruction: Evaluating the potential of the Somali language as a medium for academic learning.Education Budget: Transparency and the allocation of funds for regional educational development.Sector Challenges: Identifying and addressing the systemic barriers facing Somali students and educators today.📌 Key Topics Covered:Key achievements and reforms within the Ministry of Education.The role of the Somali language in academic and scientific fields.Financial management and the impact of federalism on educational policy.The future roadmap for higher education institutions in Somalia.Hosted by: Hussain Abdi Adan and Alinur Salad.Production: All rights reserved by Dawan Media.#Somalia #Education #Waxbarashada #MiizaanPodcast #FarahSheikhAbdulkadir #DawanMedia #SomaliLanguage #TacliintaSare📍 Subscribe: / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka ama E-mail nos soo qor: info@dawan.so🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!www.dawan.so | www.dawan.africaTimecode: 00:00 Hordhac03:09 Maxaa u qabsoomay Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya?12:14 Manhajka waxbarashada dalka20:55 Barasahda Afka Soomaaliga32:01 Miisaaniyadda Wasaaradda waxbarashada 39:55 Suurtagal ma tahay in Af-Soomaaliya luqad aan ahayn wax lagu barto.45:08 Maxay tahay Caqabashada bahda Waxbarashada?58:27 Imtixaanada Shahaadiga Dalka iyo Deeqaha1:15:22 Deeqaha Waxbarasho iyo Tahriibka 1:18:28 Tirada Iskuulada Wasaaradda waxbarashada ay maamusho1:32:20 halkee ayay ku danbeeyeen Gudigga Tacliinta Sare ee Dalka?1:36:42 Sanadka Foundation-ka, halkee ayuu ka yimid?1:53:37 Federaalka iyo saameyntiisa Waxbarashada2:03:10 Maxay dowladda Jaamacad labaad u yeelan waysay?2:13:26 Gabagabo
    Show More Show Less
    2 hrs and 15 mins
  • S1 E4: Waa maxay warqadda ay Soomaaliya u dirtay 54-ta dal ee Afrika?
    Mar 22 2026
    Qeybtan gaarka ah ee Miizaan Podcast, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abdisalaan Abdi Ali Dhaay ayaa si faahfaahsan uga jawabay su'aalo ku saabsan mustaqbalka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo difaaca danaha qaranka. Wuxuu ka hadlayaa dadaallada loogu jiro maalgelinta howlgalka AUSSOM, guulaha laga gaaray diblomaasiyadda muddadii u dambeysay, iyo qorshaha kor loogu qaadayo miisaaniyadda wasaaradda si loo xoojiyo joogitaanka Soomaaliya ee caalamka.Sidoo kale wuxuu ka hadlay difaaca madax-bannaanida dalka, gaar ahaan mowqifka dowladda ee ku aaddan faragelinta shisheeye, diidmada saldhigyo laga dhisayo Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland), iyo go’aankii laga qaatay heshiisyadii lala galay dowladda Imaaraadka Carabta.• Maalgelinta Howlgalka AUSSOM: Wasiirka ayaa sharaxaya ololaha diblomaasiyadeed ee loogu jiro xaqiijinta dhaqaale waara oo uu ku shaqeeyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika.• Difaaca Xuduudaha: Mowqifka adag ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida dhuleed iyo badda Soomaaliya.• Xiriirka Caalamiga ah: Sababta looga laabtay heshiisyadii Imaaraadka iyo codsigii loo diray 54-ta dal ee Afrika.• Miisaaniyadda Wasaaradda: Rajada laga qabo in kor loo qaado dhaqaalaha wasaaradda si loo taageero safaaradaha iyo qunsuliyadaha dibadda.Haddii aad rabto inaad fahanto jihada cusub ee diblomaasiyadda Soomaaliya, difaaca qarannimada, iyo qaabka loo wajahayo amniga dalka kadib ATMIS, qaybtaan waa mid muhiim ah inaad daawato!📌 Mawduucyada Muhiimka ah ee lagu gorfeynayo: 1- Maalgelinta Howlgalka AUSSOM & Kaambaynta Diblomaasiyadeed 2- Difaaca Madax-bannaanida & Diidmada Saldhigyada Somaliland 3- Xiriirka Imaaraadka Carabta & Ka Noqoshada Heshiisyadii Hore 4- Kordhinta Miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda 5- Hoggaanka Midowga Afrika ee Howlgalka Amniga SoomaaliyaWareysiga waxaa wadajir u qaaday Mohamed Ibrahim (Fanah) iyo Alinur Salaad oo ka tirsan Dawan Media. Xuquuqda Xalqaddaan waxay u dhowran tahay Dawan Media.Ha hilmaamin inaad rukumato kanaalkaan si aad u hesho xogo noloshaada wax ka bedela.--------------------------------------------------------------------------------In this special episode of Miizaan Podcast, Somalia's Minister of Foreign Affairs, Abdisalaan Abdi Ali Dhaay, provides an in-depth response to questions regarding the future of Somali diplomacy and the defense of national interests. He discusses the ongoing efforts to secure sustainable funding for the AUSSOM mission, recent diplomatic achievements, and plans to increase the Ministry's budget to strengthen Somalia's global presence.Additionally, Minister Dhaay addresses:• The defense of national sovereignty and the government's stance against foreign interference.• The rejection of foreign military bases in Northern Somalia (Somaliland).• The decision to withdraw from previous agreements with the United Arab Emirates following violations of sovereignty.• Diplomatic campaigns involving 54 African nations to support Somalia’s international standing.If you want to understand the new direction of Somali diplomacy, the protection of national sovereignty, and how the country is managing security transitions, this episode is essential for you to watch!📌 Key Topics Covered: 1- Funding the AUSSOM Mission & Diplomatic Campaigns 2- Defending Sovereignty & Rejecting Bases in Somaliland 3- Relations with the UAE & Reversing Previous Agreements 4- Budget Increases for the Ministry of Foreign Affairs 5- African Union Leadership in Somalia’s Security OperationsThe interview is hosted by Mohamed Ibrahim (Fanah) and Alinur Salaad, both from Dawan Media. All rights reserved by Dawan Media.--#Somalia #Diblomaasiyadda #AUSSOM #WasiirDhaay #MiizaanPodcast #DawanMedia #Madaxbannaanida #ForeignPolicy #somalinews Time code00:00 hordhac01:38 Guusha Soomaaliya ee gobolaha Nadaba modowga Africa11:47 Aqoonsiga Somaliland iyo difaaca xuduudaha 17:01 Istiraatijiiyada Badda cas ee dowladda21:08 Dowladda Soomaaliya sidee ayay u wajaheysaa aqoonsiga Somaliland24:11 Arinta ka bixitaankii Heshiisyadii Imaaraadka29:37 Xaalka AUSSOM ee ka bixitaanka Soomaaliya 35:13 Howlaha wasaaradda iyo miisaaniyadda aan wax badan iska badalin39:46 gabagabo📍 Subscribe: / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa
    Show More Show Less
    41 mins
  • S1 E3: Kamid Noqoshada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika EAC, Khasaare Mise Faa'ido?
    Mar 22 2026

    Bariga Afrika maanta waa goob ay isku dhex milayaan siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo istaraatiijiyadda gobolka. Laba sano kadib markii Soomaaliya ku biirtay East African Community (EAC), waxaa la isweydiinayaa: maxaa la gaaray? maxaa ka dhiman? halkee loo socda?

    Xalqaddan Miizaan Podcast, waxaan si qoto dheer ugu falanqeynaynaa heerka isdhexgalka Soomaaliya iyo EAC, faa’iidooyinka iyo caqabadaha jira, iyo sida Soomaaliya uga faa’iideysan karto suuq ka badan 300+ milyan oo qof.

    Martida Gaarka ah:
    🎙 Cali Cumar (Cali Balcad) – Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, u qaabilsan Ururka Bariga iyo Bulshada Afrika.
    Wuxuu si xirfadaysan uga hadlayaa:

    ✔️ Heerka ay Soomaaliya ka marayso is-dhexgalka EAC
    ✔️ Waxyaabaha u sahlaya iyo caqabadaha ku hor gudban xubinimada
    ✔️ Xiriirka Somalia & dalalka Bariga Afrika
    ✔️ Qorshaha mideynta sharciyada socdaalka, kastamka & dhaqaalaha
    ✔️ Sida loo dhaqaajin karo ganacsiga, socdaalka, iyo fursadaha suuqa EAC
    ✔️ Xaaladda Suudaan & Masar
    ✔️ Tahriibka, socdaalka iyo iskaashiga amniga gobolka

    Wareysiga waxaa qaaday:
    🎤 Mohamed Ibrahim Fanah
    🎤 Alinur Salaad

    Miizaan Podcast waxaa soo saara Dawan Media — madal loogu talagalay falanqayn qoto dheer, xog rasmi ah, iyo aragtiyo cilmiyeeysan oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya & Bariga Afrika.

    Halkan ka ogow:
    ➡️ Maxaa ka rumowday rajooyinkii ku biirista EAC?
    ➡️ Halkee u marayaan qorshaha isdhexgalka dhaqaale & ganacsi?
    ➡️ Maxaa ka dhiman si Soomaaliya u awooddo inay si buuxda uga dhex shaqeyso suuqa EAC?

    💬 Ku biir doodda oo nala wadaag aragtidaada.

    📍 Subscribe: @dawan_tv
    💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka
    🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!
    https://www.dawan.so/​
    https://www.dawan.africa​
    https://www.bawaba.africa​

    Show More Show Less
    1 hr and 11 mins
  • S1 E2: Deyn Cafinta Kadib, Soomaaliya Deyn Cusub Ma Qaadatay? Wareysi Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan
    Mar 22 2026
    Qeybtan gaarka ah ee Miizaan Podcast, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa si faahfaahsan uga jawabay su'aalo ku saabsan mustaqbalka maaliyadda Soomaaliya kadib deyn cafinta. Wuxuu ka hadlayaa sida Soomaaliya ay ku gaartay Deyn Cafinta, shuruucda deynta cusub, iyo doorka hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah sida IMF iyo World Bank ee qaabaynta dhaqaalaha dalka.Sidoo kale wuxuu ka hadlay Nidaamyada dekhli uruurinta, sytem-yada cusub, la dagaallanka musuqa iyo Federaaleynta maaliyadda dalka.Doorka World Bank iyo IMF ee mashaariicda maaliyadda SoomaaliyaIsbeddellada ku saabsan canshuuraha, soo saarista dakhliga, iyo maaliyadda FederaalkaCaqabadaha iyo guulaha ku saabsan maalgashiga guud iyo maareynta mashaariicdaHaddii aad rabto inaad fahanto sida Soomaaliya u maareyso deynta, dakhliga, iyo miisaaniyadda qaranka, qaybtaan waa mid muhiim ah inaad daawato!📌 Mawduucyada Muhiimka ah ee lagu gorfeynayo:1- Deyn Cafinta & Mustaqbalka Maaliyadda Soomaaliya2- Doorka IMF & World Bank ee Maaliyadda Soomaaliya3- Mashruuca Baxnaano & Waxqabadka Mashaariicda Guud4- Federaalka & Isku-xirka Maaliyadda Dawlad Goboleedyada5- Canshuuraha & Kororka Dakhliga Miisaaniyadda SoomaaliyaWareysiga waxaa wadajir u qaaday Mohamed Ibrahim (Fanah) iyo Alinur Salaad oo ka tirsan Dawan MediaXuquuqda Xalqaddaan waxay u dhowran tahay Dawan Media.Ha hilmaamin inaad rukumato kanaalkaan si aad u hesho xogo noloshaada wax ka bedela.----In this special episode of Miizaan Podcast, Somalia's Minister of Finance, Biixi Iimaan Cige, provides an in-depth response to questions regarding the future of Somalia’s finances after debt relief. He discusses how Somalia reached the Debt Relief Completion Point, the new borrowing rules, and the role of global financial institutions like the IMF and World Bank in shaping the country's economy.Additionally, Minister Iimaan addresses:The debt collection systems and new systems in placeThe fight against corruption and fiscal federalism in SomaliaThe role of the World Bank and IMF in financing Somalia's development projectsTaxation reforms, revenue generation, and federal financial coordinationThe challenges and successes in public investment and project managementIf you want to understand how Somalia manages debt, revenue, and the national budget, this episode is essential for you to watch!📌 Key Topics Covered:Debt Relief & Somalia’s Financial FutureThe Role of IMF & World Bank in Somalia’s EconomyThe Baxnaano Project & Public Investment PerformanceFederalism & Coordination of State FinancesTaxation & Revenue Growth in Somalia’s BudgetThe interview is hosted by Mohamed Ibrahim (Fanah) and Alinur Salaad, both from Dawan Media.All rights reserved by Dawan Media.Time Code00:00 Hordhac01:25 Maxay tahay Deyn Cafinta?07:57 Deyn Cafinta kadib21:25 Deymaha Cusub28:52 Nidaamka World Bank iyo IMF inay Soomaaliya gasho.33:40 Yaa jaangooya Mashaariicda uu Bangiga aduunku Maalgeliyo?36:34 Aqool xumo dhanka mashaariicda ah ma jirtaa?44:28 Mashruuca Baxnaano49:20 Danabeynta Dekhli Uruurinta.1:00:41 Kororka Dekhliga 1:07:07 Miisaaniyadda1:15:20 Federaaleynta Maaliyadda1:26:58: Wadaagga Kheyraadka1:29:30 Maxaa mideeya Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada?1:32:25 Muhiimmadda Canshuurta1:36:20 Gebo Gebo📍 Subscribe: / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa
    Show More Show Less
    1 hr and 41 mins
  • S1 E1: Maareeyaha NIRA oo Ka Jawaabaya: Lacagta Kaarka Aqoonsiga, Eedaha Musuqa & Qorshaha Mustaqbalka |E3
    Nov 3 2025

    Ku soo dhowaada Xalqada 3-aad ee Miizaan Podcast oo ay soo saarto Dawan Media. Qeybtan waxaan ku martiqaadnay Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA) si aanu uga hadalno su’aalaha ay bulshada ka qabaan nidaamka aqoonsiga cusub ee Soomaaliya.
    Waxaan ka doodnay:

    🔹 Lacagta laga qaadayo muwaadiniinta ee Kaarka Aqoonsiga Qaranka
    🔹 Eedaha musuq-maasuqa ee ka soo baxay baraha bulshada
    🔹 Ilaalinta xogta muwaadiniinta iyo amniga digitalka
    🔹 Awoodda iyo madaxbannaanida nidaamka
    🔹 Isdhexgalka hay’adaha dowladda iyo adeegyada shacabka
    🔹 Qorshaha mustaqbalka ee nidaamka aqoonsiga dalka
    Barnaamijkan wuxuu muhiim u yahay qof kasta oo xiiseynaya:
    ✅ Nidaamka Aqoonsiga Qaranka
    ✅ Amniga macluumaadka & xog-ilaalinta
    ✅ Hufnaanta dowladnimada iyo la-xisaabtanka
    ✅ Dijitileynta iyo horumarinta adeegyada shacabka
    🎙️ Marti: Maareeyaha NIRA
    🎤 Barnaamij: Miizaan Podcast — Dawan Media
    📍 Goobta: Muqdisho
    📺 Daawo wareysiga oo dhameystiran YouTube-ka Dawan TV
    📢 Fariin
    Fikirkaaga noo reeb!
    Sidee u aragtaa nidaamka Aqoonsiga Qaranka?
    Ma tahay in laga dhigo bilaash mise waa in lagu bixiyo qarash?

    Show More Show Less
    1 hr and 30 mins