• Xalqadda 2-aad | Sidee Loo Hormarin Karaa Nidaamka Caafimaadka Soomaaliya?
    Mar 5 2026

    Xalqadda 2-aad ee podcast-ka Dowlad-dhis ayaa Agaasime Ku-xigeenka Machadka Heritage, Dr. Cabbdirashid Ismaaciil, ku waraysanaaya Prof. Maye Cumar oo ka tirsan Jaamacadda Leeds, isla markaana leh in ka badan 40 sano oo waayo-aragnimo ah dhanka nidaamyada caafimaadka iyo maamulka caafimaadka dadweynaha.

    Prof. Maye wuxuu si qoto dheer u falanqeeyey warbixintii ugu dambeysay ee Machadka Heritage uu daabacay, taas oo cinwaankeedu ahaa “Adkaynta Hannaanka Caafimaadka Soomaaliya," isla markaana uu isagu hoggaamiyey.

    Sidoo kale, Prof. Maye Cumar wuxuu wareysigan kaga hadlay waayo-aragnimadiisa ballaaran ee ku saabsan ka shaqaynta nidaamyada caafimaadka dalal kala duwan.

    📖 Halkaan ka Akhri warbixinta. 👉

    Somali: https://bit.ly/4prProz

    English: https://bit.ly/44rgbgI

    Arabic: https://bit.ly/3LVsADs

    Show More Show Less
    55 mins
  • Xalqadda 3-aad | Xoojinta Ka Qaybgalka Siyaasadeed ee Dhallinyarada Muqdisho
    Mar 5 2026
    Taxanaha saddexaad waxaa lagu falanqaynayaa kaalinta dhallinyarada Muqdisho ee ka qaybgalka siyaasadeed iyo siyaabaha lagu xoojin karo doorkooda. Barnaamijkani wuxuu daba socdaa daraasad hore oo laga sameeyay mowduucaan, iyo sidoo kale tababar loo qabtay in ka badan 60 dhallinyaro ah, kuwaas oo lagu baray hoggaaminta, abaabulka bulshada, iyo u ololeynta arrimaha dadweynaha.
    Show More Show Less
    39 mins